Iska Ilow Messi: Waa Kuma Ciyaartoyga Barcelona Aanay Weligeed Heli Doonin Beddelkiisa?

by admin | Sunday, Oct 14, 2018 | 1003 views

Waqigii uu furmayey suuqa iibka ciyaartooyada ee xilliga jiilaalka waxa ka hadhsan bilo dhawr ah, hase yeeshee kooxaha waaweyn ee Yurub waxay mar horeba isha lasii heleen laacibiintii ay ku xoojin lahaayeen naadiyadooda marka la gaadho xilligaas.

FC Barcelona oo ka mid ahayd kooxaha ciyaartooyada badan soo iibsaday xagaagii, ayaa waxay suuqa soo socda ee bisha January ka raadsan doontaa hal ciyaartoy oo ay doonayaan inuu beddel u noqdo laacibkooda ugu muhiimsan.

Dad badan waxay ku doodaan in Lionel Messi aan la heli doonin beddelkiisa, sababtuna waa inuu ka duwan yahay dhamaan ciyaartooyada waqtigan dunida jooga oo qaab ciyaareedkiisa iyo mucjisada uu ku yahay kubadda cagtu ay meesha ka saarayso ciyaartoy lagu masaalo oo beddel looga dhigo.  Hase yeeshee, Barcelona waxay  aragtaa inuu jiro ciyaartoy kale oo muhiim ah oo ay adag tahay in ay suuqa kaoso hesho beddelkiisa, kaas oo ah ninka dejiya amaba lugtiisa ay ku jirto kubadda kooxdu.

Haddii Messi yahay mucjisada kooxda, waxa jooga SIXIROOLE sinaba aan looga maarmin, marka uu maqan yahayna ay kooxdu u muuqato in badhkeed maqan yahay oo ay dhinaca guul-darrada u dhowaato, waana xiddiga khadka dhexe ee Sergio Busquets.

Pep Guardiola ayaa Sergio Busquets kasoo kexeeyey kooxda heerka labaad ee Barcelona oo usoo dallacsiiyey naadiga koowaad, isla markii uu garoomada waaweyn lugta soo geliyeyna waxa uu noqday xiddig aanay cidina booskiisa kusoo xisaabtamin, kaas oo iyadoo aanay shaashaduhu haynin haddana ah laf-dhabarta guul kasta oo naadigiisu gaadhay amaba ninka qaabeeya sida ciyaartu u noqonayso Barca.

Markii uu Xavi Hernandez ka baxay Barcelona wax dareen ah oo is dhimis ah amaba inuu halyey weyn ka tegay lagama dareemin, sababtuna waxay ahayd sixoroolahan cajiibka ah, kaas oo xattaa ku dedaalay inaan la dareemin booskii Iniesta uu banneeyey xagaagii.

Shaqada uu kooxda u hayo Busquets waa mid ay isku wada waafaqsan yihiin ciyaartooyada, shaqaalaha iyo tababareyaasha kooxda oo xattaa jamaahiirtuna aanay ka hadhsanayn, hase yeeshee da’diisa oo sii weynaanaysa ayaa ku qasbaysa in Barcelona ay suuqa u gasho ciyaartoy booskiisa geli kara oo ay hubanti tahay in sidiisii oo kale aanu buuxin karin.

Hal ciyaartoy ayaa ay Barcelona isha ku haysaa, waana laacibka khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Paul Pogba oo ay u aragto inuu yahay shaqsiga ugu soo dhow ee booskiisa geli karaya.

Si kastaba ha ahaatee, Pogba ayaa ay adag tahay inuu si dhayal ah kaga dhaqaaqo Manchester United, inkasta oo khilaafka u dhexeeya Jose Mourinho uu gacan ka siin doono Barcelona inay hesho xiddiga reer France.

Like it? Share it!

Leave A Response