Israa’iil oo soo ridday diyaarad dagaal oo Suuriya leedahay{sawiro}

by admin | Wednesday, Jul 25, 2018 | 973 views

Israa’iil ayaa sheegtay in ay toogasho ku soo ridday diyaarad kuwa dagaalka ah oo ay leedahay Suuriya, taas oo gashay hawadeeda – arrintaas ayaana ah dhacdo naadir ah oo dhexmarta labadaas dal ee is haya.

Gantaalo ayaa lagu riday diyaaradda dagaalka ee nooceedu yahay Sukhoi, sida uu Twitterka ku soo qoreen ciidammada difaaca ee Israa’iil.

Sida ay wararka Israa’iil sheegayaan dhacdadaasi waxay ka dhacday buuralayda Golan Heights ee la haysto, mana cadda waxa ay ku dambaysay xaaladda duuliyihii.

Wakaalada wararka Suuriya ee Sana ayaa sheegay in Israa’iil ay bartilmaameedsatay diyaarad ku jirtay hawa Suuriya, balse ma aysan carabka ku dhufanin in gantaallada lala helay.

Sana ayaa soo xigatay ilo milatariga ka tirsan oo aysan magacaabin, waxayna sheegtay in diyaaraddu ay wadday weerarro ka dhan ah “kooxo argagixiso ah oo hubaysan” kuwaas oo u dhawaa dooxada Yarmuuk ee koonfurta ku taalla.

Suuriya ayaa jabhadaha ka soo horjeeda si joogto ah ugu yeerta argagixiso

Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa mar dambe sheegay in Suuriya ay “si cad ugu xad gudubtay” xabbad joojintii 1974tii, taas oo dhigaysay in meesha ay labada dal ku kala rogmadaan ay tahay buuraha Golan Heights

Diyaaradda dagaalka ee Sukhoi

Like it? Share it!

Leave A Response