Isu socodka Jigjiga iyo Wajaale oo dib u bilawday

by admin | Thursday, Aug 9, 2018 | 1002 views

Qalalaasihii maalmihii dhawaa ka taagnaa magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay, ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqii magaalooyinka Wajaale iyo Jigjiga.

Maanta ayaa waxaa si rasmi ah u bilowday isu socodka gaadiidka iyo shacabka isaga kala gooshaya Labadaa magaalo, kadib muddo isbuuc ku dhaw oo uu hakad ku jiray.

Taliyaha laanta socdaalka gobolka Gabiley C/rashiid Axmed Xasan oo la hadlay VOA-da ayaa wuxuu sheegay in maanta uu si caadi ah ku soo laabtay isu socodka labada magaalo, islamarkaana aanay jirin wax dhibaato ah.

“Maalmihii la soo dhaafay ma jirin wax ganacsi ama isu socod labada magaalo ah, laakiin maanta ayay dib u bilawdeen dhammaan hawlahaasi, mana jiraan wax dhibaato ah, tan iyo markii ay rabshadaha bilawdeen waxaanu ku jirnay heegan.” Ayuu yiri Taliye C/rashiid.

Magaalada Jigjiga ayaa maalmo kooban waxa ay gashay khalalaase sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed, iyada oo ugu dambeyn uu xilkiisa ku waayay Madaxweynihii dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Like it? Share it!

Leave A Response