Itoobiya iyo Eritrea oo xadkooda dib u furay

by admin | Tuesday, Sep 11, 2018 | 864 views

Madaxda dalalka  Itoobiya iyo Eritrea ayaa dib u furay xadkii dhulka la isaga tallaabi jiray ee la xiray labaatan sano ka hor markii ay dagaalka xun galeen labadan dal ee dariska ah sagaashameeyadii.

Furitaanka Waddada gobolka Zalambesa ee Waqooyiga dalka Itoobiya ayaa dabo socota heshiiskii taariikhiga ahaa ee nabadda ee ay bishii Luulyo kala sixiixdeen Itoobiya iyo Eritrea, arrintaas oo soo noolaysay xiriirkii dublamaasi ee labada dal oo mar cadaw isu ahaa.

Arrintan ayaa waddada u xaaraysa in ay dib u midoobaan kumannaan qoys labada dhinac ku kala xayirmay.

Dib ufuritaanka waddadan ayaa ku soo aaday maalin ku haboon iyadoo labada dalba ay maanta  u dabaal dagayaan sannadka cusub.

Like it? Share it!

Leave A Response