ITOOBIYA oo aas-aastay ciidamo nooc cusub iyo qorshaha laga leeyahay

by admin | Thursday, Dec 27, 2018 | 816 views

Dowladda Ethiopia ayaa sameysatay ciidamo cusub oo loogu magacdaray ciidamada “Wanaagsan” kuwaasi oo masuuliyadooda tahay inay ilaaliyaan masuuliyiinta Ethiopia oo uu ku jiro ra’iisul wasaaraha dalkaasi Dr Abiy Axmed, sida ay baahisay wakaalada wararka Ethiopia.

Ciidamadaan oo noqon doona kooxda difaaca qaranka ayaa tababar loo bilaabay lix bilood ka hor, si ay u difaacaan masuuliyiinta sare ee dalka Ethiopia iyo qoyskooda, sida lagu sheegay qoraalka Wakaalada Wararka FANA.

Sameynta ciidamadan ayaa ka dhalatay weerarkii bishii June ka dhacay magaalada Addis Ababa, weerarkaasi oo labo ruux ay ku geeriyoodeen, xili ra’iisul wasaaraha Ethiopia uu dad badan kula hadlayay fagaare ku yaala Addis Ababa.

Waxaana khabiirada dhanka amaanka ay aaminsan yihiin in weerarkaasi lala damacsanaa ra’iisul wasaaraha, laakiin isaga waxyeelo kama aysan soo gaarin.

Kadib markii Abiy Axmed uu qabtay xilka, wuxuu helay taageerada dadweynaha, isaga oo dhankiisa balanqaaday inuu isbadal ku sameyn doono dowladda uuna dhisi doono dowlad midnimo qaran.

Wuxuu xabsiyadda kasii daayay kumanaan xernaa, waxaana uu heshiis la galay Eritrea oo muddo sanado ah ay dagaalsanaayeen.

Like it? Share it!

Leave A Response