Itoobiya oo faahfaahisay Khariiradii muranka dhalisay

by admin | Sunday, May 26, 2019 | 786 views

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda Itoobiya ayaa faahfaahisay ka bixisay Khariirad lagu muujiyay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalka Itoobiya, islamarkaana Si weyn maanta u kicisay bulshadda Soomaaliyeed.

War kooban oo lagu daabacay Bogga Wasaaradda ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin sidda ay wax u dhaceen ,islamarkaana Sawirkaasi si kadis ah uu kusoo galay Bogga Wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Itoobiya.

Waxaan fahannay in sawir khaldan oo aan la aqbali karin oo muujinaya Khariidadda Afrika uu si kadis ah kusoo galay bogga internet-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Federaalka ee Itoobiya” ayaa lagu yiri Warka.Warka ayaa intaasi la sii raaciyay “Isla markii aan arrinta ka war helnay, si deg deg ah ayaan sawirkaas uga bixinnay Website-ka. Fadlan xaqiiq u haya in kooxdeena dhinaca ICT-ga ay ka shaqeynayaan hubinta ammaanka Website-ka. Waxaan si kal iyo lab ah uga qoomameyneynaa jah wareer kasta oo ay suurta gal tahay in uu sababay iyo isfaham darro ka dhalatay dhacdadaan”.

Like it? Share it!

Leave A Response