Itoobiya oo Go’aan Lama filaan ah ka qaadatay Khilaafka Dowlada dhexe & Maamul Gobaledyada

by admin | Monday, Sep 17, 2018 | 906 views

Warar hoose  ayaa sheegaya in Dowlada Itoobiya ay kala hadashay Madaxtooyada Soomaaliya suurta galnimada ah inay xaliyaan Khilaafka Madaxda Dowlada dhexe iyo Maamul Gobaleedyada.

Madaxda Maamul Gobaleedyada ayaa codsaday in shirka Muqdisho ay ku lug yeelato gacan saddexaad oo kala dhex dhexaadisa labada dhinac balse Dowlada Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay go’aankaasi.

Itoobiya oo saameyn dadban iyo mid toos ahna ku leh siyaasadda Soomaaliya ayaa isbedel badan ku sameysay waayadan dambe habka ay usoo faragaliso, iyadoo dhowr Kiis inta aysan faraha la galin wax ka weydiisay Madaxda Dowlada dhexe.

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,ayaa sheegay in laga soo gudbay waqtigii Madaxda Soomaalida ah loo kala turjumi lahaa ,dadka Soomaaliyeedna aysan aqbaleyn xilligan waxaas iyo wax u dhow.

Dowlada Itoobiya ayaa Madaxtooyada Soomaaliya ku wargalisay inay kalsooni buuxdo ku qabto xal u helista khilaafkan sababay in Madaxda Dowlad Gobaleedyada ay xiriirka u jaraan Dowlada dhexe.

Qaar ka mid ah Madaxda Maamul Gobaleedyada ayaa saaxiib dhow la ah Dowlada Itoobiya, iyagoo ka hela Lacago iyo Hub, waxaana si weyn xiriir u leh Madadxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Xoghoose u xaqiijiyay in wali jawaab cad aysan ka bixin Dowlada dhexe codsiga ay usoo gudbisay Dowlada Itoobiya, waxaana laga yaabaa hadii laga maarmi waayo gacan sedexaad in Itoobiya ay noqoto dowlada dhex dhexaadin doonta.

Iyadoo dhinaca kale hal sabab darteed ay Madaxda Dowlada Federaalka u diidi karaan inay Itoobiya soo kala dhex gasho taasoo ah in Shirka uu ka dhaco Adis Ababa laakiin Madaxda Dowlad Gobaleedyada ayaa si weyn kaga dambeeya Itoobiya iyagoo ku qasban inay ogolaadaan hadii Madaxtooyada Soomaaliya fasaxdo.

Like it? Share it!

Leave A Response