Itoobiya oo Masar uga digtay Saldhig Millateri oo ay ka sameysato Somaliland

by admin | Wednesday, Jul 29, 2020 | 391 views

Dowladda Itoobiya ayaa dhiggeeda dalka Masar waxaa ay uga digtay in ay saldhig millateri ka samaysato deegaannada Somaliland, kaas oo Itoobiya ay sheegtay in uu qatar ku keeni kara amniga gobolka Bariga Afrika.

Afhayeenka Wasaraadda Arrimaha Dibadda Itoobiya Ambassador Dina Mufti ayaa u sheegay The Nation: in Masar ay tahay mid madaxbanaan oo xaq sharci ah u leh inay xiriir la sameyso dal kasta oo ka mid ah gobolka,hayeeshee xiriirkaas uusan noqon mid ku dhisan in la takooro dal kale.

“Xaaladda jirta, waxaa u baahan nahay inaan haysanno tusaalooyin la taaban karo oo ku saabsan waxa dhacaya… waxaan rajeyneynaa inaysan noqon doonin mid ka faa’ideysata Ethiopia ama dalal kale oo deris ah maxaa yeelay haddii ay sidaas tahay, waxay sharci darro ka noqon doontaa aadanaha iyo nabada iyo amniga caalamiga ah.”

Dhawaan waxaa Magaalada Hargeysa tegay Wafdi ka socda Dowladda Masar, iyaga oo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliland kana dalbaday inay saldhig Milateri ka sameystaan deegaananda Soomaaliland ,balse Ilaa hadda lama oga in ay Somaliland aqbashay soo jeedinta Masar, laakiin waxa la sheegay in ay gaareen heshiis “isweydaarsiga xafiisyada Wakiiladda sare ee Hargeysa iyo Qaahira.”

Sidoo kale Magaalada Hargeysa waxaa tegay Wafdi ka socday Dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyada Itoobiya Axmed Shide Maalin kadib wafdigii ka socday Masar, laakiin Amb Mufti wuxuu diiday wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in booqashada Itoobiya ay sabab u tahay walaac laga qabo qorshaha Masar.

Dhanka kale, wada hadallo sadex geesood ahaa ee u dhexeeyay Itoobiya, Masar iyo Suudaan ayaa ku guuldareystay inay gaaraan heshiis kama dambeys ah oo ku saabsan biyo xireenka Grand Renaissance Dam iyo isticmaalkiisa wabiga Nile si loo buuxiyo.

Like it? Share it!

Leave A Response