Itoobiya oo saldhig weyn ku leh magaalada Ber bera & Xog cusub oo laga helay Howsha ka socota{warbixin}

by admin | Friday, Jun 22, 2018 | 936 views

Waxaa si aad ah loo hadal hayaa Saldhig weyn oo Dowladda Itoobiya ku leedahay Meel wax aan ka badneyn boqol tallaabo u jirta Dekadda Ber bera,waxaana saldhigaasi Itoobiya ku xareysaa Badeecadaha kaga soo dega Dekadda Ber bera ee Maamulka Somaliland

Inkastoo si dhab ah loo ogeyn waxyaabaha ka socda gudaha saldhiga Itoobiya ku leedahay magaalada Ber bera,ayaa waxaan la ogaan karin wax ka badan in Badeecadaasi Itoobiya ku xareyso si loogu sii qaado dalka Itoobiya oo gaadiid waa weyn ay halkaasi ka qaadaan.

Ciidamo Itoobiyan ah oo aad u hubeysan ayaa ilaalo ka haya Saldhiga Itoobiya magaalada Ber bera uu ku leeyahay,waxaana warar hoose oo aan helnay inoo sheegayaan in Itoobiya guud ahaan kor ka heyso Ammaanka Maamulka Somaliland oo Hub iyo farsamaba ay ku deeqdo.

Ujeedadda ugu weyn ee Siyaasadda Itoobiya ay ka leedahay Soomaaliya waxaa la leeyahay iney tahay iney Hesho DEkado ay wax ka soo degsato,maadama dalkeeda lahayn Dekad.

Like it? Share it!

Leave A Response