Itoobiya oo shaacisay saamiga uu dowlad deegaanka Soomaalida ku yeelanayo shidaalka laga soo saarayo dhulkiisa{Akhriso}

by admin | Monday, Jun 10, 2019 | 938 views

Dowladda Itoobiya ayaa markii u horeysay soo bandhigtay saamiga uu Ismaamulka Soomaalida ku yeelanayo kheyraadka laga soo saaro deegaanada uu maamulo, iyadoo arintan ay eheyd mid aad looga war sugayay.

 

Aqalka sare ee Baarlamaanka Itoobiya ayaa meel mariyay xeer qabyo ah, kaasoo qeexaya inta uu la eg yahay Saamiga uu dowlad deegaanka yeelanayo, maadaama shidaal laga helay degaanka Hala-quraan.

Sharci ay soo diyaarisay Wasaarada Batroolka Itoobiya oo uu meel mariyay Baralamaanka dalkaasi ayaa muujinaya in dowlad deegaanka Soomaalida uu yeelanayo 50% dakhliga ka soo xarooda shidaalka dhulkiisa laga soo saaro.

Inta soo hartay 25% waxaa iskaleh dowladda federalka Itoobiya, halka 25% loo qeybinayo gobolada kale ee dalka.

Qorshahan waxaa ka soo shaqeeyay Golaha Federaalka Itoobiya, waxaana gobolka Soomaalida ku metala Mustafa Maxamed Cumar, madaxweynaha degaanka, Aadan Faarax, ku xigeenkiisa, Cabdi Maxamed, afhayeenka baarlamaanka, Mubashar Dubad Raage, wasiirka Maaliyadda, Rashiid Xaaji, gudoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Itoobiya iyo Eng Maxamed Shaale, madaxa xarunta dhexe ee xisbiga degaanka ka arimiya.

Si kastaba, arintan ayaa meesha ka saareysa hadal heyn mudooyinkan Warbaahinta ay qoreysay, taasoo la xiriirtay in 5% uu dowlad deegaanka Soomaalida ku yeelanyo shidaalka laga helay dhulkiisa, iyadoo warkaasna la sheegayay in laga soo xigtay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed.

Gaaska laga helay Ismaamulka Soomaalida oo gaaraya 1.6 Trillion Cubic Feet, ayaa waxaa ogaatay African Global Energy Ltd oo ah shirkad ka shaqeysa dhinaca Tamarta oo laga leeyahay dalka Ingiriiska.

Like it? Share it!

Leave A Response