Itoobiya oo shaacisay xilliga ay bilaabi doonaan Tamarta Korontada ee Biyo-xireenka GERD

by admin | Monday, Apr 5, 2021 | 355 views

Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Korontada ee dalkaasi, Selshi Bekele waxa uu shaaciyey inuu dalkiisa samaynayo dadaal ku aadan sidii loo bilaabi lahaa in Tamar Koronto laga soo saaro Biyo-xireenka GERD.

Waxa uu intaasi ku daray inay bisha August ee soo socota bilaabi doonaan inay Koronto ka soo saaraan Biyo-xireenka, kadib, markii lagu guuleystay dadaalka Biyo-buuxintii Labaad ee loo diyaar garoobay iyo in darruuraha laga dhaliyo Roobka (Clouds pollinate to generate rain).

Hadalka Wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Korontada ee dalkaasi, Selshi Bekele waxa uu hadalkiisa ku soo beegmay, iyadoo maanta la filayo in caasimadda dalla Koongada Dimuqraadiga ee Kinshasa lagu soo gebagebeeyo Wareega cusub ee Wada-hadaladii ay Masar, Sudan iyo Ethiopia kaga hadlayaan xal-u-helista Muranka ka taagan Dhismaha Biyo-xireenka GERD iyo saami-qeybsiga Biyaha ee Webiga Nile.

Dhinaca kale, RW Ethiopia, Abiy Ahmed waxa uu horey u sheegay inuusan dalkiisa awoodi karin inuu dhisto Biyo-xireeno kale iyadoo aan la isticmaalaynin Teknoolajiyada Daruuraha la qarxiyo, si uu Roob u da’o ( using cloud seeding technology, or what is known as “cloud seeding.”

Like it? Share it!

Leave A Response