Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo taageertay howlgallada ka dhanka ah AS.

by admin | Monday, Nov 21, 2022 | 291 views

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Norway ayaa taageertay howlgallada ka dhanka ah AS kaddib markii kulan ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta Jaaliyaddaas oo ka dhacay Magaalada Oslo Caasimadda Dalkaas.

Waxa ay Jaaliyaddu ballanqaaday in ay taageereyso howlgallada looga soo horjeedo AS iyada oo sheegtay in ay garab taagan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada & Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawisleyda.

Mas’uuliyiin u hadashay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway ayaa ku dhawaaqay in ay garab istaag u muujinayaan Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Shacabka “Hubka u qaatay la dagaalanka AS” waa sida ay hadalka u dhigeen.

“2009kii illaa hadda waxa ay dileen Dad badan, Dowladda Soomaaliya waxa aan ku bogaadineynaa la dagaalanka Khawaarijta gumaadeysa ummadda Soomaaliyeed ee ku faanaya, waxa aan Dowladda Federalka ku bogaadineynaa dagaalka ay kula jirto kooxaha Dalkeenna kusoo duullay” Sidaasi waxaa yiri qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo hadallo kooban ka jeediyay kulanka.

Waxaa kordhay kulamada Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ku nool ay uga shirayaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan howlgallada ka socda Deegaannada Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 19kii November 2022 sheegay in abaabul xooggan oo ka dhan ah AS uu ka socdo Deegaannada DG Koofur Galbeed, halka uu ku dhawaaqay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay kordhinta howlgalladaas.

Like it? Share it!

Leave A Response