JABUUTI OO BEENISAY IN AY HUB SUUQ MADOW AH GELISO SOMALIYA

by admin | Tuesday, Sep 18, 2018 | 914 views

Dowladda Jabuuti ayaa iska fogeysay eedo caalami ah oo la xiriira in xubno ka mid ah dowlad,Ganacsato iyo Sharikado Kontarabaan ah oo laga leeyahay dalka Jabuuti Hub sharci darro ah geliyaan Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay sharikadda laga leeyahay Dalka Ingiriiska ee EXX Africa,ayey ku sheegtay in saraakiil ka mid ah dowladda,Ganacsato iyo xubno kale ay si dadban hub sharci darro ah ku geliyaan Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa dalkiisa ka difaacay eedaha loo jeediyay.

Maxamuud ayaa sheegay in Jabuuti warbixinta laga qoray aysan raad lahayn islamarkaana dalkiisa ka go’antahay nabadda iyo deganaanshaha Gobolka

Like it? Share it!

Leave A Response