Jabuuti oo la gaarsiiyay Tallaalka Covid 19

by admin | Sunday, Mar 7, 2021 | 472 views

Jabuuti ayaa markii ugu horreysay la gaarsiiyay oo heshay cadad aan la shaacin oo ah qeybtii ugu horreysay tallaalka  cudurka Covid 19 oo saameyn ba’an ku haya guud ahaan caalamka.

Waxaa ay noqoneysaa Jabuuti  dalkii ugu horreeyay ee hela tallaalka guud ahaan marka la eego wadamada la isku yiraahdo Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Africa

Dadka ka faa’ideysanaya tallaalkan hor dhaca ah ayeey dowladda Jabuuti ku sheegtay in yihiin dadka ka weyn 50 sano, kuwa qaba xanuunada halista ah, iyo shaqaalaha caafimaadka.

Tallaalkan ayaa ka yimid COVAX oo ah mashruuc ay samaysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, Isbahaysiga Tallaalka GAVI iyo hay’ad kale oo lagu magacaabo Isbahaysiga Diyaargarowga Cudurrrada Faafa.

Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada saameynta ba’an uu hadda ku yeeshay cudurkan Covid 19 waxaana la filayaa in dhawaan la soo gaarsiiyay qeybtii ugu horreysay tallaalkan lagula tacaalayo cudurka.

300 oo kun oo goojo oo ah qaybtii ugu horraysay ee tallaalka ay sugaysay Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in uu soo gaaray magaalada Nairobi

Marka laga soo tago Jabuuti dalalka sidoo kale helay tallaalka ayaa waxaa ka mid ah Kenya oo toddobaadkii hore uu soo gaaray 1 milyan iyo 20 kun oo goojo oo tallaalka ah. Kenya waxay sidoo kale sheegtay in ay mudnaanta siinayso shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa kale ee ka shaqeeya safka hore.

Like it? Share it!

Leave A Response