Jabuuti Oo Looga Dabaaldegayo Maalinta Xorriyada

by admin | Wednesday, Jun 27, 2018 | 1100 views

Dalka Jabuuti guud ahaan ayaa maanta waxaa looga dabaaldegayaa sanad guuradii 41-aad ee kasoo wareegtay markii dalkaasi uu ka xooroobay gumeystihii Faransiiska.

Xalay ayaa magaalada Jabuuti waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran, waxaana loogu dabaaldegayey 27-ka June, maalinta xorriyadda Jabuuti.

Waxaa munaasabadda ka qeybgalay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, mas’uuliyiin dalkaasi ah iyo guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Maxamed Mursal Sheekh oo Labo cisho ka hor halkaasi gaaray.

Madaxweyne Geelle oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa guud ahaan shacabka Jabuuti ugu hambalyeeyay munaasabadan, wuxuuna kula dardaarmay ilaalinta maalintaan soo jireenka ah.

Dhanka kale, maanta waxaa guud ahaan dalkaasi laga dareemayaa u dabaaldegista shacabka ee maalintaan, iyadoo calanka Jabuuti lagu xardhay guud ahaan dallkaasi, waxaana socda munaasabado waaweyn

Like it? Share it!

Leave A Response