Jabuuti oo maamuuseysa 45sano guurada kasoo wareegtay madaxbannaanida ay ka qaadatay Faransiiska.

by admin | Monday, Jun 27, 2022 | 312 views

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta maamuusaysa 45-sano guurada kasoo wareegtay markii madaxbannaani ka qaadatay Gumeystihii Faransiiska 27kii June 1977dii, munaasabad ka dhacday dalkaas waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin & Shacab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Shacabkiisa fariin uu u diray ugu hambalyeeyay munaasabadda 45-sano guurada kasoo wareegtay markii Madaxbannaani ka qaateen Gumeystihii Faransiiska.

Waddamada safaaradaha ku leh Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Xafiiska madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle geeyay dhambaal hambalyo ah oo ay kawadaan madaxda ay wakiilka uga yihiin waddaan dhaca Geeska Afrika.

Qoraal lagu daabacay Wakaaladda Wararka Boqortooyada Sacuudiga ee SPA ayaa lagu sheegay in Boqor Salmaan iyo Amiir Maxamed oo ah wiilka uu dhalay ay hambalyo u direen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti & Shacabkiisa.

“Boqor Salmaan waxa uu hambalyo dhambaal furan ah u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle & Shacabka munaasabadda Maalinta madaxbannaanida oo ay maamuusayaan 45-sano guurada kasoo wareegtay markii madaxbannaani ka qaateen Faransiiska, Horumar, Barwaaqo & Xasilooni ayaan u rajeyneynaa” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Wakaaladda SPA.

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sanad weliba 27ka June waxa ay maamuustaa markii xorriyad ay ka qaadatay Faransiiska oo kamid ahaa Gumeystihii reer Yurub ee isticmaarsaday Qaaradda Yurub, munaasabadaha sababta loo qabto ayaa ah in Dadka la xusuusiyo Halgankii adkaa ee madaxbannaanida loosoo maray.

Like it? Share it!

Leave A Response