Jahawareer ka dhashay gabdho walaalo Sucuudi ah oo maydkooda la helay

by admin | Thursday, Nov 1, 2018 | 1069 views

Ciidanka Booliska magaalada New York dalka Mareykanka  ayaa baaritaano ku bilaabay dhimashada laba gabdhood oo walaalo ah oo u dhashay dalka Sucuudi Carabiya kuwaas oo todobaadkii hore maydkooda laga helay Webiga Hudson iyagoo la isku xir xiray.

Booliska ayaa xaqiijiyay in Meydkooda la helay Tala Faaric, oo 16-jir ah, iyo Rotana Faaric, oo 22-jir,  iyagoo is eegaya si buuxdana u labisan oo misana uusan wajigooda ka muuqan wax uur ku taalla ah.

Dambi baarayaasha ayaa sheegaya in ay tahay xilli hore in wax go’aan ah laga gaaro haddii fal dambiyeed uu dhacay ama inay iyaguba isdileen.

Gabdhaha ayaa dhawaan waxa ay Mareykanka ka codsadeen magangalyo siyaasadeed.

Gabdhaha walaalaha ah ee ilma Faaric iyo hooyadood ayaa Sucuudi Carabiya ka soo guuray 2015-kii markaas oo ay dageen magaalada Fairfax, ee gobolka Virginia, waxaana gabdhahaasi lagu yaqaannay inay gurigooda isaga baxsadaan, sida ay sheegayaan saraakiisha Mareykanku.

Qunsulka Sucuudiga ayaa waxa uu ku sheegay bayaan uu soo saaray in saraakiisha safaaraddu ay la xiriireen qoyska gabdhahaasi, waxa uuna intaasi ku daray in labada gabdhood ee walaalaha ah ay arday ahaayeen “oo ay u wehel yeelayeen walaalkood oo jooga magaalada Washington”.

Hasayeeshee baarayaasha ayaa sheegaya inay jahawareer tahay sababta maydkooda looga helay daanta webi 400 km u jira meeshii uu qoyskoodu deganaa.

Like it? Share it!

Leave A Response