James Milner oo ka camirtay saaxiibkiis Mohamed Salah

by admin | Tuesday, Sep 25, 2018 | 1091 views

Laacibka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa xalay ku guuleystay abaalmarinta goolka ugu fiican sanadka ee FIFA Puskas Award.

Weeraryahanka Masar ayaa ka mid ahaa saddexda musharrax ee ugu dambeysa abaalmarinta FIFA Men’s Best Player, walow uu Luka Modric hantay abaalmarintaas.

Sidoo kale Salah ayaa ku hungoobay inuu ka mid noqdo FIFA World XI ama kooxda sanadka ee FIFA.

Balse waxa uu abaal marinta Puskas Award ku garaacay goolkii qaalmo rogadka ahaa ee uu Cristiano Ronaldo ka dhaliyay Juventus tartanka Champions League-ga rubac dhammaadkiisa, iyo goolkii Gareth Bale ee Final-ka Champions League-ga ka dhaliyay Liverpool, waxaana uu Salah ku tartamayay gool uu ka dhaliyay kooxda Everton kullan Premier League ah.

Si kastaba ha ahaatee, Salah saaxiibkiis Milner oo barta Twitterka ugu soo hambalyeeyay ayaa hadal kaftan iyo jees jeesba loo qaadan karo soo qoray.

Captain-ka labaad ee Reds ayaa bartiis Twitter soo dhigay qoraalkan:- “hambalyo Mo Salah, goolkaadii toddobaad ee ugu fiican xilli ciyaareedkii hore ayaad ku qaadday goolka sanadka”, waxaana Milner uu soo raaciyay calaamadda qosolka.

Like it? Share it!

Leave A Response