Jamhuuriyadda Jabuuti oo dagaal la galeysa dabar-goynta Xannuunka Duumida ee Kaneecadu sababto.

by admin | Wednesday, Jan 25, 2023 | 197 views

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday olole xooggan oo lagu ciribtirayo xannuunka Duumada oo tobaneeyo ruux la ildaran kaddib markii ay kordheen xaaladaha xannuunkaas ee goobaha caafimaadka gaar ahaan meelaha lagu baaro cudurrada.

Jabuuti ayaa soo iibsatay Diyaarado casri ah oo ay ugu talagashay in ay ku buufiso meelaha ugu badan ee Kaneecadu joogto si loosoo afjaro maadaama xannuunkaan ay ku kordhiso in dhiigga ay ka jiqdo qofka ay ku shubto qof kale xannuunkana sidaaas uu kusii faafo.

Dowladda Jabuuti ayaa soo iibsatay Daawo ciribtireysa in ay baabi’iso Kaneecada Dheddig ee dhaqaatiirtu sheegeen in ay Bulshada u kala gudbiso xannuunka Duumada (Malaria) si caafimaadkooda looga shaqeeyo.

Dad badan oo qandho (Xumad) heyso oo tagay Goobaha Caafimaadka gaar ahaan meelaha lagu baaro cudurrada ayaa loo sheegay in ay qaadeen Xannuunka Duumada, kiisaskaas kordhay oo loo gudbiyay Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti waxa ka dhashay go’aanka buufinta.

Wasiirka Caafimaadka Jamhuuriyadda Jabuuti Dr. Axmed Rooble Cabdulle ayaa tilmaamay in dabar-goynta kaneecada ay dhalin karto marin ka fog xannuunka duumada iyo badqabka Bulshada, howlaha buufinta ayuu sheegay in ay kala kaashanayaan Wasaaradda Beeraha.

“Marka uu roobka da’o waxaa dhasha Kaneeco badan, Diqsi & xasharaad kale, xannuunada keena Duumada ee dad badan bukaan jiif noqdaan ama qaar kale ku dhintaan waxaa sababta kaneecada dheddig, si aan ula dagaalanno waxa aan soo iibsanay diyaarad aan ku buufineyno innaga oo kaashaneena Wasaaradda Beeraha, 2022 waxaa kaneecada (Duumada) laga helay 64 kun oo ruux” ayuu yiri Dr. Axmed Rooble Wasiirka Caafimaadka Jabuuti.

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa dagaalka lagu soo afjarayo Kaneecada ku sheegtay mid muddo ay Dowladdu ka shaqeyneysay sidii wax looga qaban lahaa xannuunada ay sababto oo xitaa kiisas kamid ah Dad u dhintay laga diiwaangeliyay.

Like it? Share it!

Leave A Response