Janan oo madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu isku dayay colaad uu galiyo Jubbaland

by admin | Tuesday, Dec 1, 2020 | 304 views

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku eedeeyay inuu ugu talogalay colaad sokeeye oo ay galaan maamulkaas, balse uu ku fashilmay kadib doorashadii Axmed Madoobe.

Wasiirka wuxuu sheegay in Farmaajo uu si cad u diiday inuu wadahadal la galo Axmed Madoobe, tiiyoo uu ku tilmaamay xarigii loogu geystay Muqdisho iney daba socoto markii uu diiday qorshahiisa.

Sidoo kale marka la tixraaco sheegashadiisa Janan wuxuu qiray inuu taleefoon kula hadlay madaxweyne Farmaajo bartamahii sanadkii lasoo dhaafay, waxaana u xigay kulan uu Fahad Yaasiin kula yeeshay Nairobi taasoo ay ka dhalatay in lagu balamo magaalada Muqdisho.

Isagoo ka qeyb galayay Barnaamijka Hanoolaato ayuu sheegay inuu kulan afara saacadood socday la qaatay Farmaajo isla markaana ay isku fahmii waayeen qorshayaasha loo soo bandhigay oo ay ka mid aheyd sida uu sheegay inuu usoo gacan galiyo gobolka Gedo, si xildhibaano taageersan looga soo saaro halkaas.

Janan wuxuu barnaamijka u sheegay isagoo ka feejigan iska horkeenka labada beelood ee Mareexaan iyo Ogaadeen ayuu diiday go’aankaas sida uu sheegtay, wuxuuna carabka ku dhuftay in madaxda dalka iyo taliyaha nabad-sugidda ay arinkaas hogaaminayeen.

Wasiirka Amniga wuxuu intaas ku daray in Farmaajo uu isku dayay inuu colaad ka dhex abuuro Jubbaland isagoo adeegsanaya odayaal ay isku beel yahiin, wuxuuna sheegay in arinkaas darteed uu u laalay qorshayaashii loo soo bandhigay.

Like it? Share it!

Leave A Response