Janaraal Cabdalla Cabdalla: NISA waxaa lagu soo koobay in lagu cabsi galiyo dadka Dowladda katirsan.

by admin | Wednesday, Aug 29, 2018 | 896 views

Janaraal Cabdalla Cabdalla Maxamed oo ahaa taliye kuxigeenkii hore ee Nabad Sugida Somaliya, ayaa markii uhoreysay ka hadlay shaqa joojinta iyo xil ka qaadista dhowaan la isugu daray.

Wareysi uu siiyay Idaacadda VOA-da  ayuu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo agaasimaha NISA aaney u sheegin wali sababta xil ka looga qaaday iyadoo aaney wali loo wicin si uu xilka uwareejiyo, waloow ninka lagu badalay uu shaqo bilaabay.

Janaraal Cabdalla Cabdalla, ayaa dhaliilay habka loo maray in Ciidamadii NISA loo wareejiyay boolis, isagoo tilmaamay iney adagtahay in Ciidan dhan mar kaliya la wareejiyo, balse ay suura gal tahay tiro yar oo askar ah la wareejiyo.

Waxa uu sheegay in Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA uu ka shaqeynayay mudo ku siman Lix sano, xiligan ayuu sheegay iney aad uliidato howlsha laga rabay NISA ee eheyd la dagaalanka argagixisada.

NISA, ayuu sheegay in haatan loo adeegsado oo kaliya caburinta Siyaasiyiinta iyo xubnaha Dowladda katirsan, halkii laga rabay in lagu weeciyo ka hortagida Weerarada iyo arimaha Mukhaabaraadka.

“Arrintan xog uruurinta Hay’adda iyo qibradaha loo leeyahay cadowga way xadididneed, tabarta Hay’adda iyo xog uruurinteedana way yar tahay, laakiin Hay’adda mudooyinkii la soo dhaafay waxay bilowday in xog la uruuriyo, Hawlgallo la sameeyo, si loola dagaalamo cadowga Argagixisada Al Shabaab iyo Daacish, maxaa yeelay cadowga aan la dagaalameynay wuxuu ahaa cadow muuqda”. Ayuu yiri Cabdalla Cabdalla.

Si Kastaba, Agaasimaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa 16kii Jully,shaqo joojin ku sameeyay labadiisii kuxigeenka ee C/Qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Cabdalla Cabdalla Maxamed, iyadoo bil kadibnna Madaxweyne Farmaajo  16 Augosto ee sanadan xilalkii ka qaaday labadaas Sarkaal.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ahaa Agaasimaha Madaxtooyada Somaliya, ayaa laga dhigay Taliye kuxigeenka NISA, Waxeyna dadka yaqaana Fahad ku sheegeen inuu yahay qof aan aqoon iyo khibradba u leheyn booska loo dhiibay.

Like it? Share it!

Leave A Response