Jawaari: “ kuwa doonaya in aan is casilo wey riyoonayaan”

by admin | Sunday, Mar 18, 2018 | 1093 views

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan  Jawaari ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho waxaa uu mar kale kaga hadlay halka uu marayo mooshinka isaga ka dhanka ah.
Jawaari ayaa waxaa uu xildhibaannada ku jira Guddiga joogtada ah ugu baaqay in ay dhowraan xeer hoosaadka Baaralamaanka islamarkaana mooshinkan inta aysan dhamaan toban maalmood oo uu xeer hoosaadka farayo la horgeeyo Golaha shacabka.
Waxaa uu sheegay in haddii toban maalmood uu dib uga dhoco uu meesha ka baxayo si booqa iyo hakadka ay ku jirto shaqada dowladda looga hortagana ay de dejiyaan waqtiga mooshinkaas la horgeynayo Golaha shacabka.
Waxaa uu ku baaqay in Ciidamada wali heysta Xarunta Baarlamaanka laga dulqaado islamarkaana lagu celiyo gacanta Ciidankii ilaalada,Ciidamada hadda la duldhigay dhismaha Baarlamaanka ayuu sheegay in ay yihiin kuwo xasaanad heysta oo aan la taaban Karin,haddii laga wareejin waayana ay u arkayaan in ujeeddo kale laga leeyahay.

Dhinaca kale waxaa uu u jawaabay Xildhibaanno maalmahan ku baaqayay in uu is casilo,waxaana uu “ Xildhibaannada dalbanaya in aan is casilo waa ay riyoonayaan,aniga sharci ayaan ku imid sharci ayaana ku tagayaa ama ku joogayaa”.
Xildhibaanno ay ka midyihiin Aadan Maxamed Nuur Madoobe,Xildhibaan Afaraale iyo XIldhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ugu baaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka in uu is casilo.

Like it? Share it!

Leave A Response