Jawaari Oo Bohol U Qoday Kheyre & Farmaajo Kuna Fadeexeeyey Beesha Caalamka

by admin | Tuesday, Aug 14, 2018 | 1342 views

Beesha Caalamka ayaa waxa loo gudbiyey Qoraal kusaabsan inuu fadhiid noqday Shaqadii Golaha Sharci Dejinta Soomaaliya.

Waxa Qoraalkaan diyaariyey Xildhibaano uu horboodayey Afhayeenkii Hore Ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Jawaari oo maalmahaan kusugnaa Nairobi uu sheegay in howlihii Baarlamaanka ay gaabis noqdeen wax kulamo ahna aysan jirin.

Waxay umuuqataa in Mucaaradka Dawlada Farmaajo uu ku biiray Jawaari Ee diiday Hab maamulka iyo sida wax loo socod siinayo.

Uqeybsanayaasha Beesha Caalamka ayaa waxa loo gudbiyey Warqadaasi oo Xildhibaano Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka wada qoreen taas oo laga digay in Bur bur ku yimaado Baarlamaanka Soomaaliya.

Sanadkaan ayaa waxa doonta lala gediyey Jawaari oo muran badan qaatay qaabka xilka looga tuuri lahaa inkastoo markii dambe uu ogolaaday inuu is casilo lana sheegay in lacago la siiyey uu kursiga ku baneeyey.

Tan iyo markii Xilka laga tuuray Jawaari waxa uu wajahay Xaalado adag oo xitaa mid caafimaad daro ay heysatay inkastoo hadda uu joogo waddanka K/Africa uu shir kaga qeyb gelayo.

Like it? Share it!

Leave A Response