Jeneral Indha-Cadde oo ka digay halis DF Soomaaliya aysan ku baraarugsaneyn

by admin | Wednesday, Oct 2, 2019 | 589 views

Waxaa soo baxaya digniino loo jeedinayo dowladda Soomaaliya, taas oo ku aadan in laga noqdo istiraatiijiyad qaldan oo lagu maamulo ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan militariga.

Qubarada dhanka ciidamada ayaa sheegay in gobalka Shabeellada Hoose ay ku dayacan yihiin kumanaan kamid ah Milateriga Soomaaliya iyo qalab ciidan oo ay heestaan.

Janaraal Sheekh Yuusuf Siyaad Indhacade, ayaa warbaahinta magaaalada Muqdisho ka sheegay in Al-Shabaab ay ku teedsan yihiin badda iyo wabiga iyo gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose,  islamarkaana ay gudaha ku jiraan ciidamada Soomaaliya.

“Ciidamada Soomaaliya kor waxaa ka jira Al-Shabaab, dhanka Muqdishana waxaa ka jira Al-Shabaab waana nidaam qaldan oo halis ku ah amniga dhalinyarada iyo hantida loo dhiibay” ayuu yiri Janaraal Indhacade.

“Weerarkii Ceel-Saliini, waxaa la waayay cid u gurmata ciidankii la laayay, sababtoo ah maba jirin qof u gurman kara kuwa kale ayaa hada halistaas ku jira” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Janaraal Indhacade.

Dadka yaqaana gobalka Shabeellada Hoose ayaa dowladda Soomaaliya kula taliyay in marka hore ay ku dadaasho in Al-Shabaab laga saaro dhulka deexda ah ee gobalka Shabeellada Hoose, kuwaas oo ah meelaha ay ka soo abaabulaan weerarada Muqdisho iyo Saldhigyada Shabeellada Hoose.

Like it? Share it!

Leave A Response