Jigjiga: ONF oo saxiixday heshiis hub ka dhigis ah

by admin | Saturday, Feb 9, 2019 | 814 views

Heshiis ay wada saxiixdeen Jabhada ONF iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ahaa in dagaalyahanada Jabhada lagu sameeyo hub ka dhigis, taasi oo guul la taaban karo u ah Guud ahaan Itoobiya gaar ahaan ismaamulka Soomaalida.

Jabhada ONLF waxaa la aas aasay 1984, waxaana uu dagaal nuucyo badan uu kala dhaxeeyay Itoobiya oo ay ku sheegeen xiligaasi in ay dhul Soomaaliyeed ay xoog ku heystaan.

Itoobiya ayaa dhankeeda waxa ay u aqoonsaneed ONF Jabhad argagaixiso ah ilaamaa uu Abiy Axmed ka qaaday shaabadii argagixisinimo, waxaana baarlamaanka Itoobiya ay 5’tii bishii Julaay ee sanadkii tagay ay liiska argagaxisada ka saareen ONLF.

Wixii intaasi ka dambeeyay waxaa bilaawday wax loo arkay isbadal siyaasadeed, waxaana Jigjiga ku laabtay saraakiil iyo ciidamo badan oo ONLF ka tirsan.

Ugu dambeyntiina waxa ay saraakiisha u sareysa ONLF iyo madaxa dowlad deegaanka ku wada heshiiyeen in ciidamada ONLF laga dhigo hubka deetana lagu xareeyo xirooyin si loo siiyo tababar intooda daneenaya.

Like it? Share it!

Leave A Response