“Jirkeyga ma uusan taabanin laakiin ruuxdeyda iyo qalbigeyga ayuu la tagay!” Preity oo banaanka soo dhigtay sida SRK qalbiga kaga xaday

by admin | Wednesday, May 1, 2019 | 1226 views

Atirishada caanka ah ee Bollywood-ka awood balaaran ku lahaan jirtay Preity Zinta ayaa banaanka soo dhigtay sida hadda ka hor SRK qalbiga kaga xaday marka ay wada duubayeen hees ku jirto filimka hirgalay Veer Zeera balse xidigtaan qalbigeeda marka ay hadashay baraha bulshada ayaa lagu maadeestay,

Preity Zinta waxay tiri “Marka aan sameeneynay heeska Main yahaan hoon ee filimka Veer Zaara ku jirto aniga iyo SRK waxa aan maalinkaas dareemay waligeey ma hilmaami doono waayo jirkeyga ma uusan taabanin laakiin ruuxdeyda iyo qalbigeyga ayuu la tagay!”

“Waxaan hadalkaan ula jeedaa in sameynta heesaha qiirada badan igu cusbeyn laakiin sida SRK iigu soo dhawaaday, indhahiisa marka uu indhaheyga ku qabtay gacantiisana ila soo aaday balse asigoon jirkeyga taabanin ayaan hawo kale galay!”

“Run ahaantii SRK laguma gaaro sida gabdhaha qalbiga looga xado anigana shaqada naga dhaxeesay ayaan ku bad baaday ee si run ah ayuu qalbiga iiga xaday!”

Dad badan ayaa Preity Zinta ku maadeesteen baraha bulshada qoraalada qaar ee xidigtan kaftan ahaan lagu weeraray waxaa ka mid ahaa kuwa hoos ku xusan:

Kaftanka 1-aad: Preity quruxleey fadlan arimahaaga kuu gaarka ah baraha bulshada hasoo dhigin waayo arimo dareen iyo qalbo taabasho la xariiraan halkaan laguma soo bandhigo haddii kale si kale ayaa laguu fahmaa.

Kaftanka 2-aad: Oo hadda run meey kaa tahay in adigoon jirkaaga la taabanin qalbigaaga la xadi karo waa yahay waan ku jeclahay waana kuu dhimanaa marka qalbigaaga igu soo wareeji waan kaa jawaab sugaa.

Kaftanka 3-aad: Preity filim jilis oo been ah hadaa isku dhiibtay maxaa kuu harsan fadlan qarso ceebtaada!

Kaftanka 4-aad: SRK xaaskiisa Gauri Khan maxay dareemeysaa haddiiba adiga uu qalbiga kaa xaday iska aamus Preity haddii kale Gauri ayaa gurigaaga kusoo weerari doonto.

Kaftanka 5-aad: Ileen Bollywood-ka isku soo dhawaan shaha waligood ayay sameyn jireen laakiin Preity wey nasiib badan tahay Emraan Hashmi kuma helin waayo SRK oo aan gacan kuu qaadin ayaaba is dhiibtay kkk kkk.

Main Yahaan Hoon ee filimka Veer Zaara ku jirto sidoo kalena Preity sheegtay duubista heeskan in SRK qalbiga iyo ruuxda kaga xaday asigoo jirkeeda taabanin:

Like it? Share it!

Leave A Response