Jose Mourinh Oo Baaraya Sababta Saacado ka Hor Kulankii Chelsea Si Qarsoodi Ah Safkiisa Hore Loogu Gudbiyay Baraha Bulshada & Shaqsiyaad La Tuhunsan Yahay.

by admin | Monday, Oct 22, 2018 | 1064 views

ayaa bilaabaya baaritaan kadib markii safkiisa hore ka hor kulanka Chelsea si xatootoyo ah loogu gudbiyay baraha bulshada saacado ka hor waqtiga rasmiga ah, waxaana shaki laga qabaa in mid ka mid ah xidigaha ama shaqaalaha tababarka uu gudbiyay.

Red Devils ayaa u dhawaatay iney guul ku hesho garoonka Stamford Bridge markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2012 markas oo ay 3-2 ku adkaadeen, balse guushii ay filanayeen waxaa daqiiqadahii dheeriga ahaa ee lagu daray kulanka beeniyay Ross Barkley.

Anthony Martial ayaa laba gool dhaliyay qeybtii labaad ee ciyaarta, waxeyna jawaab u ahaayeen gool uu dhaliyay Antonio Rudiger qeybtii hore ciyaarta, balse wax walb kuma dhamaan sidii uu Jose doonayay.

Mail ayaa ku warrameysa in Jose uu ka careysan yahay in shaxdiisa waqti hore lagu soo bandhigay baraha bulshada, macalinka reer Portugal ayaana isbadal weyn ku sameeyay kooxdii uu ku wajahay Newcastle ee sida cajiibka leh guusha u gaartay.

Juan Mata ayaa doorka dhexe ku jiray, waxeyna aheyd doorasho layaab leh, sida uu fahamsan yahay Jose Mourinho in shaxdiisa lagu soo bandhigo baraha bulshada waxey Chelsea & Maurizio Sarri siisay fursad ay shaxdooda ugu miisaamaan midda uu lasoo shirtagayo.

Waxaa laga cabsi qabaa in shaqsi ka tirsan kooxda, xiddigaha ama shaqaalaha tababarka uu si qarsoodi ah baraha bulshada ugu gudbiyay, waana markii labaad oo sidaas lagu sameeyo kooxda maadaama laga hordhacay shaxdii uu bishii hore ku wajahay West Ham.

Like it? Share it!

Leave A Response