Jubbada Hoose: Dad u socdey Aroos oo qarax ku dhintey

by admin | Monday, Feb 3, 2020 | 554 views

Ugu yaraan 4 qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay lix kalena way ku dhaawacmeen kadib baabuur nooca loo yaqaan Caasiga oo qarax miino lagula eegtay jidka u dhexeeya magaalooyinka Afmadow iyo Dhooble ee Gobolka Jubbada Hoose maanta.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay sheegeen in baabuurkan ay la socdeen dad rayid ah oo u socday aroos.

Dadka ku dhaawacmay qaraxan ayaa la sheegay in la geeyey cisbitaalka magaalada Dhoobley.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, inkastoo degaanka uu qaraxu ka dhacay la ogyahay inay si xooggan uga hawlgalaan ururka Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response