Jubbaland oo sheegtay in ay soo iibsatay diyaarad Khaas ah

by admin | Saturday, Oct 5, 2019 | 609 views

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in maanta markii ugu horreysay garoonka diyaaradaha ee Sayyid Maxamed Cabdille Xasan ka degtay diyaaradii igu horeysey ee ay leedahay Dowlad goboleedka Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka Koowaad Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in diyaaraddan ay leedahay Jubbaland, islamarkaana ay soo daabuli doonto Madaxda ka qeyb galeysa Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Wafdigii ugu horeeyey ee ka qeybgalyey munaasabada caleema saarka madaxweynaha Jubbaland oo ay hogaaminayaan madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa gaaray Magaalada Kismaayo.

Tilaabaddan Jubbaland ay sheegtay in ay kusoo iibsatay diyaaradda ayaa timid ka dib markii Khilaaf xooggan uu soo gala dhex galay dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland.

Like it? Share it!

Leave A Response