KA DAROO DIBI DHAL! Jose Mourinho Oo Safka United Ku Hor Bahdilay Sanchez Kahor Inta Uusan Ka Reebin Kooxdii West Ham La Dheeshay

by admin | Sunday, Sep 30, 2018 | 971 views

Jose Mourinho waxa uu si shaaric ah safkiisa hortooda ugu canaantay Alexis Sanchez kahor inta uusan ka reebin kooxdii wajahday West Ham Sabtidii.

Sanchez waxaa gebi’aaanba laga reebay kooxdii u safartay London taas oo guushii saddexaad oo horyaalka ah soo gaadhay.

Mourinho waxa uu doorbiday Anthony Martial xilli Sanchez wali uusan gool ka dhalin dhammaan  tartaada ol’olahan.

Saxafiga reer Chile – Maks Cardenas waxa uu sheegay in Mourinho uu dhagaha uga raacay Sanchez safka United hortooda kahor inta uusan ka reebin kooxda.

Warbixintan waxa ay caddeyn u tahay khilaafka xooggan ee ku soo koraya Old Trafford kaddib dagaal hore ugu dhexeeyey Mourinho iyo Pogba.

Xaaladda United waxa ay soo gaartay in garoonka dhexdiisa ay ku kala qeybsamaan halka ay kaalinta 9-aad ka galaan horyaalka.

Like it? Share it!

Leave A Response