KASHIFAAD: Kheyre Oo Isku Shaandheynaya Wasiiradiisa (Goorma)

by admin | Thursday, Apr 26, 2018 | 1384 views

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa doonaya inuu isku shaandheyn ku sameeyo golahiisa wasiirada.
Ilo ku dhow xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa Xoghoose.com u sheegay in marka ay dhammaato doorashada guddoomiyaha golaha shacabka la isku shaandheyn doono wasiirada.
Wasiirada aan bixi doonin waxaa ka mid ah Xoosh Jibriil, Bayle iyo Khadiija, sababtoo ah waxa uu Kheyre u arkaa in dhanka xildhibaannada aad ugu galaangal badan yihiin.
Waxaa laga yaabaa wasiirada hadda jooga qaar iney baxaan, sidoo kalena waxaa lasoo buuxin doonaa boosaska kale ee bannaan.

Like it? Share it!

Leave A Response