KASHIFAAD: Yaa Shaqada Ka Joojiyey Xoghaye Buux {Shaqsi Aan La Fileyn}

by admin | Tuesday, Apr 3, 2018 | 1029 views

SHabakada reegaay.com com ayaa sameysay baaritaan degdeg ah oo ku saabsan shaqada laga joojiyey xoghayihii golaha shacabka C/kariin Xaaji Buux.
Baaritaanka aan sameennayayaan cidda sida rasmiga ah shaqadan uga joojisay, iyo inaan ogaannay in howsha Muudey ay ka weyn tahay.
Sidaan ogaannay xalay ayaa Muudey waxaa lasoo hadlay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, wuxuuna faray in Buux shaqada ka joojiyo, sababtoo ah waxay u arkeen in dhank Jawaari jiro.
Muxuu Sababsday Buux:
Buux ayaa sababsaday oo kaliya kadib markii shalay saxaafadda u sheegay in ciidankii xukuumadda keentay golaha shacabka laga qaaday.
Kheyre iyo saaxiibkiis Muudey waa ay qarinayeen ciidamadan meesha la keenay, waxayna noqotay markii Buux hadlay caddeyn weyn oo keentay in isagana daaqadda laga saaro.
Siyaasadda dalka ayaa meel mugdi ah kusii socota, waxaana halis loogu jiraa iney joogsadaan howlihii shaqada dowladda.

Like it? Share it!

Leave A Response