Kenya oo baareysa sida uu Baasaboorkeeda ku helay Fahad Yaasiin{Akhriso}

by admin | Tuesday, Aug 21, 2018 | 855 views

Maj. Gen RTD Gordon Kihalang oo ah Xoghayaha Socdaalka, Xuduudaha, iyo diiwaangelinta dadka ee dalka Kenya ayaa qiray inuu socdo baaritaan la xiriira sida uu ku helay baasaboorka Kenya, Fahad Yaasiin oo bartamihii bishan loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska Daily Nation.

Fahad Yaasiin ayaa heysta Baasaboor Kenyan ah oo nambarkiisa yahay C024542 iyo sidoo kale kaarka aqoonsi muwaadinimada oo nambarkiisa 28847167, taas oo ah mid raad raac u ah baaritaanka Hey’adaha.

Masuulkan ayaa sida muuqata kaarka aqoonsiga ku qaatay inuu ku dhashay magaalada Mandhera 19 July sanadkii 1978, isaga oo Baasaboorka qaatay 6 September sanadkii 2013.

Laakiin caddeymaha Kaarka Aqoonsiga ID ayaa muujinaya inuu dhashay 5 April sanadkii 1978, sharcigana uu ka qaatay bariga Mandhera sanadkii 2001.

Baasaboorka Agaasime kuxigeenka NISA Fahad Yaasiin ayaa isugu jira mid Kenyan iyo Soomaali oo ku yaalla Viisooyin kala duwan, wuxuuna u isticmaalaa safarada dibadda.

Like it? Share it!

Leave A Response