Kenya oo beenisay in ay ku lug leedahay dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya

by admin | Saturday, Aug 4, 2018 | 1414 views

Danjiraha Cusub ee Dalka Kenya u qaabilsan Dalka Turkiga Jeneraal Johnson Ondieki,ayaa beeniyay in Ciidamada Kenya ee jooga Koofurta Soomaaliya ay ku lug leeyihiin dhuxusha laga dhoofiyo gudaha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Wrabaahinta ay ka bad badisay eedeynta Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya ee la xiriirta wax isdaba marinta iyo sharci ku dhaqan la’aanta ah.

Mr Johnson Ondieki ayaa yiri “Ciidamadeenna inta aysan gelin Soomaaliya waa ay socotay dhoofinta dhuxusha,Ciidankeenna waxaan barnay akhlaaq wanaagsan iyo asluubta Ciidanka,Warbaahinta ayaa qorta kaliya eedaha beenta ah ee lagu ceebeynayo Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya”.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Kenya ay qabaan Tababar wanaagsan,waxaana uu dowladda ugu baaqay in marka warbixinada noocaas ah la daaboco aysan wal wal muujin ee hubiso cidda qortay.

Waxaa uu difaacay sababta Ciidamada Kenya ay u diidaan in Hay’adaha Qaramada Midoobey ay sahan ku sameeyaan howlgalka Kenya ee Soomaaliya,waxaana uu ku sababeeyay in Kenya ay wali howlgalka ku jirto ee aysan dhameyn.

Johnson Ondieki,waxaa uu ahaa Madaxii Howlgalka Qaramada Midoobey ee Koofurta Suudaan sanadkii 2016kii ayeyna Qaramada Midoobey shaqada ka ceyrisay.

Like it? Share it!

Leave A Response