Kenya oo heegan gelisay Ciidamadeeda kadib weerarkii Al-Shabaab ee Saldhiga Ciidamada ATMIS

by admin | Monday, May 9, 2022 | 334 views

Laamaha ammaanka dalka Kenya ayaa kordhiyay feejignaantooda kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen dhawaan saldhiga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS  ku leeyihiin degaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Waxaa jirta cabsi ay la xiriiirta in Al-Shabaab ay qorsheynayaan  weerar ka dhan ah Kenya oo laga fuliyay meelo kamid ah Gudaha dalkaasi Kenya.

“Waxaan fahamsanahay inay isku dayi karaan inay weeraraan bartilmaameedyada Kenya ka dib roobabkii ka da’ay qaybaha waqooyi ee dalkaasi kenya,” ayuu yiri sarkaal ka mid ah Ciidamada Kenya.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ay kordhiyeen ilaalinta xuduudka weyn, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu wiiqo qorshayaasha ay wadaan Al-Shabaab.

“Waxaan isticmaalnaa sirdoon si aan ula socono dhaqdhaqaaqyada gudaha iyo Soomaaliya Waan ognahay sida ay wax u socdaan, waxaana nalagu wargeliyay inay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ku wajahan xuduudka ayuu yiri” Sidoo kale Sarkaalka.

Todobaadki hore, taliyaha ciidamada difaaca Kenya Gen Robert Kibochi ayaa xarunta Pentagon-ka Mareykanka ee Magaalada Washington kula kulmay gudoomiyaha ciidamada isku dhafka ah ee ciidamada Mareykanka General Mark A. Milley, iyaga oo ka wada hadlay arrimaha labada dal, gaar ahaan sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga ka dhanka ah argagixisada.

Kenya iyo Maraykanka waxa ay wadaagaan xiriir difaac oo laba geesood ah, waxaana sii wadi doonaan inay ka wada shaqeeyaan arrimaha ammaanka si looga hortago khatarta ururada xagjirka ah ee weerarada geysta.

Like it? Share it!

Leave A Response