Kenya oo ku hanjabtay in ay talaabo qaadayso hadii ay ku qanci wayso baaritaanka diyaaradii African Airways.

by admin | Monday, May 18, 2020 | 470 views

Dowladda Kenya ayaa waxay ku hanjabtay in ay tilaabo qaadayso haddii ay ku qanaci waydo baaritaanka sababtii ka dambeysay in lasoo rido mid kamid ah diyaaradaha laga leeyahay dalkeeda oo ku duulaysay hawada Soomaaliya.

Tilaabooyinka la filan karo ee Kenya ku hanjabayso ayaa ah, in ay shirkaddaha diyaaradaha ka diiwaan gashan dalkeeda ka joojiso in ay u safraan Soomaaliya, arintaas oo saameyn culus ku yeelanayso isku socodka labada dal.

Waxaa kaloo xusid mudan in dhammaan diyaaradaha yimaada Soomaaliya ee sumadoodu tahay 5y ay ka diwaangashan yihiin Kenya.

Guddi baaritaan oo ka socday dowladdaha Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia ayaa tagay magaalada Bardaale ee gobolka Bay, si ay u guda galaan baaritaanka diyaaradii kusoo dhacday agagaarka garoonka diyaaradaha Bardaale.

Guddigaan waxay ka kooban yihiin, Saddex Kenyaati ah oo ka socda wasaaradda duulista Kenya, hal qof oo itoobiyaan ah iyo afar Soomaaliya ah oo uu wehliyo wasiirka gaadiidka koonfur galbeed.

Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolka Bay ayaa sheegtay in ay diyaaradaas iyagu soo rideen kadib markii ay uga shakiyeen in ay tahay diyaarad ismiidaamin damacsanayd, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday midowga Afrika.

Like it? Share it!

Leave A Response