Kenya oo mamnuucday in Agabka ay leeyihiin Ajaanibta la saaro Gawaarida aadda W.Bari

by admin | Monday, Aug 20, 2018 | 1243 views

Dowladda Kenya ayaa amar ka soo saartay in Agabka iyo waxyaabaha xamuulka ah ee ay leeyihiin Ajaanibta la saaro Gaadiidka ka  isaga  kala goosha Magaalooyinka Nairobi iyo kuwa Gobolka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.

Ninka dhawaan loo magacaabay isu duwaha amniga Gobolka Waqooyi Bari Maxamed Biriq ayaa sheegay in alaabta qaarkeed ay yeelan karaan Al-shabaab islamarkaana wax lagu dhex qarin karo.

Waxaa uu digniin culus u diray dadka iska leh Masaska isaga kala gudbka Soomaaliya iyo Kenya ee Xamuulka ah,waxaana uu si gaar ah u sheegay in dowladda Kenya ay si dhow isha ugu heyso dhaq dhaqaaqa Gaadiidkaas.

Waxaa uu sheegay in Waddooyin badan la dhigayo Bara Koontarool,waxaana ka mid ah inta u dhaxeysa Modigar iyo Wabiga Tana.

Waxaa uu sheegay in Waddooyinka Mandera, Wajeer  iyo  Garissa  ay ku xirmi karaan Soomaaliya sidoo kalena Nairobi aadayaan.

15 Qof oo laga shakiyay ayuu sheegay in Sabtigii lagu xiray Magaalada Gaarisa,kuwaas oo la tuhunsanyahay in Basaska qaadeen.

Biriq ayaa sheegay in dowladda ay qoroneyso Ciidan Boolis oo madani ah kuwaas oo loo daabulayo sohdinta Soomaaliya si ay u ilaaliyaan dhaq dhaqaaqa Sohdinta iyo isu socodka Dadka.

Like it? Share it!

Leave A Response