Kenya oo shaacisay in ay qarax ku dhinteen Xubno katirsan Al-Shabaab

by admin | Tuesday, Sep 28, 2021 | 238 views

Ugu yaraan 15 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ayaa dhintay ka dib markii gaari ay wateen uu dulmaray miino dhulka lagu aasay, kaas  oo marayay meel ku dhow xadka ay Soomaaliya la wadaagto Kenya.

Isagoo la hadlaya Nation, afhayeenka ciidamada Difaaca Kenya (KDF) Esther Wanjiku ayaa xaqiijisay in dhacdadu ay dhacday abbaare 9.30 subaxnimo ee aisniintii  inta u dhaxaysa Sarira iyo Ras Kiamboni oo u dhow Ishakani, Lamu County.

Korneyl Wanjiku ayaa sheegay in miinada dhulka lagu aaso ay waddada dhigeen koox kale oo ka tirsan  Al-Shabaab ka hor inta aysan xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab dul marin.

Gaariga ayaa qarxay oo gubay dhammaan dadkii saarnaa.

“Waxaan xaqiijin karaa inay dhinteen 15 ka tirsan Al-Shabaab. Waxay ahaayeen laba kooxood. Mid ka mid ah kooxaha ayaa wadada dhigay miino si ay ula eegtaan balse kooxda labaad oo aan ka warqabin miinada wadada ku jirta si ay u maraan way garan waayeen wadadii, Gaarigii ay wateen ayaa dul maray oo qarxay. Dhammaan 15 -kii saarnaa gaariga way dhinteen, ”ayuu yiri Col Wanjiku.

Wuxuu raacisay: “Haddii cadow dhinto, taasi waa noo muhiim. Dadka deegaanka ah yaan la niyad jabin. Hay’adaheena amniga waxaa ka go’an inay ilaaliyaan amaanka shacabka iyo hantidooda. ”

Ciidanka la dagaalanka argagaxisada kenya ee KDF, ayaa wali wada baaritaano la xiriira xaqiijinta amaanka iyo saarida miinooyin ay Al-Shabaab wadooyinka galiyeen.

Saraakiisha amaanka ayaa shacabka ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan amaanka isla markaana ay is dejiyaan.

Like it? Share it!

Leave A Response