Kenya oo u digtay saraakiisha ka tirsan ee Soomaalida u fududeeya gelitaanka Kenya

by admin | Tuesday, Dec 11, 2018 | 981 views

Dowladda Kenya aaya digniin iyo hanjabaad u dirtay saraakiisha Gobolka Soomaalida ee dadka ka caawiya in ay gudaha Kenya galaan ama ku ganacsadaan.

Maxamed Biriq oo ah isu duwaha amaanka ee Gobolka Soomaalida ayaa sheegay in dowladda dhexe ay shaqada ka eryi doonto qofkii lagu helo in uu dadka dhinaca Soomaaliya ka gelaya Kenya u fududeeyay safarkooda.

Biriq ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay ay aad u kordheen dadka Soomaalida ah ee gelaya Kenya iyaga oo fududeyn ka helaya xubno ka mid ah Dowladda.

Isaga oo ka hadlayay Magaalada Gaarisa ayuu sheegay in saraakiisha dowladda ee dadka ka caawiya in ay Ganacsi ama naftooda la soo galaan Kenya shaqada laga eryayo kaddibna Maxkamad la soo taagayo.

Waxaa uu intaas ku daray in dowladda Kenya ay ka warqabto kuwo yar oo ka mid ah Saraakiisha Dowladda oo arrintaas ku lug leh islamarkaana xumeynaya sumcadda shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

Labadii todobaad ee ugu dambeysay Booliska Kenya ayaa xiray 40 Qof oo Soomaali ah,kuwaas oo ku sii jeeday Nairobi,iyaga oo fudeydinta safarkooda ka helay xubno ka mid ah Dowladda Kenya.

Guddoomiyaha Mandheera, Cali Roobow, iyo XIldhibaanka Dhadhaab Maxamed Daahiye ayaa dowladda Kenya ugu baaqay in ay furto Sohdinta Soomaaliya, si qaab sharci ah dadka isaga kala gudbaan.

Cali Roobow ayaa sheegay in sida kaliya ee Ganacsiga sharci darrada iyo dadka sida dhuumaaleysiga ah uga gudbaya sohdinta lagu hakin karo ay tahay in dadka loo furo sohdinta labada dal si xor ahna ku kala ganacsadaan.

Like it? Share it!

Leave A Response