Khaad Ganacsato Kenyan ah u soo waday Soomaaliya oo la joojiyay

by admin | Tuesday, May 11, 2021 | 272 views

Ganacsatada Khaatka ee Kenya ayaa sheegay inay ku hungoobeen soo celinta xiriirka uu dalkooda la leeyahay Soomaaliya, iyagoo filayay in khaadkooda ay u dhoofin karaan Muqdisho.
Khaad xalay loo dhoofin rabay Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in uusan gaarin halkii loo waday, sida ay sheegeen ganacsada dirsatay.

Nuuriya Cabdinuur Xasan oo ka tirsan ganacsatadaas ayaa BBC u sheegtay in khasaare lixaad leh uu ka soo gaaray, iyada oo sheegtay in lacagihii ay ku shaqaysanaayeen ay Soomaaliya uga xayiranyihiin.
“Waxaa nagula yiri Soomaaliya iyo Kenya wey heshiiyeene khaadkiina soo rarta, garoonka diyaaradaha ayaan gaynay kaddibna khadkii waa nagala xareeyay, waxaana markii dambe nagula yiri Soomaaliya qaad dhulkeeda ka dagaayo malahan.” Ayey tiri Nuuriya.
Waxay sidoo kale sheegtay in aysan jirin cid u sheegtay ilaa hadda in khaadkoodii la dhoofiyay iyo in uu Kenya weli yaalo.
Nuuriya ayaa dhanka kale sheegtay in aysan garanaynin sababta dhabta ah ee aysan khaadka u dhoofin karin xilli khilaafkii Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeyay ay ka heshiiyeen, iyada oo sheegtay in lacagihii ay ku shaqaysanaayeen ay Soomaaliya uga xayiranyihiin.

Like it? Share it!

Leave A Response