Khasaaraha ka dhashay dagaal dhex-maray Ciidanka Dowladda & Al-Shabaab oo kordhay

by admin | Sunday, Jul 12, 2020 | 419 views

Dagaallo u dhaxeeya ciidamada degmada Bardaale ee gobolka Baay iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaano hoos yimaada degmada, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Dagaalladan ayaa waxaa inta la xaqiijiyey ku dhintay shan qof, ayada oo sagaal kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ah dhinacyadii dagaallada ay dhex-mareen.

Guddoomiyaha degmada Bardaale ayaa sheegay in ciidamada maamulka ay qaadeen dagaalka,waxaana sidoo kale qeyb galay maleeshiyo deegaanka ah oo iskood isku abaabulay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Guddoomiyaha in weerarkaasi ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab una qaabilsanaa dhinaca maaliyadda sidoo kale Ciidamada Maamulka uu ka geeriyooday hal askari saddex kalena ay ka dhaawacmeen.

Like it? Share it!

Leave A Response