Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho oo sii kordhay.

by admin | Saturday, Nov 10, 2018 | 809 views

Qaraxyadaan oo shalay salaadii casir kadib kadib ka dhacay Hotel Saxafi oo kasoo horjeeda Xarunta Dambi baarista Soomaaliya ayaa sababay khasaare kala duwan.

Dad ku dhaw 30-ruux ayaa qaraxyada ku geeriyooday, tiro kalena wey ku dhaawacmeen sida laga soo xigtay saraakiisha gaadiidka Gurmadka Deg deg ah.

Cabdi Barre oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaankii 9-aad ee Dowladda Federaalka waxa uu sheegay in dad ku dhow 50-qof in laga qaaday meesha Qaraxyada ay ka dhaceen.

Dhammaan waxa uu tilmaamay in ay ahaayeen dad shacab ah, qaarkood ay saarnaayeen Gaadiid goobta marayay xiliga weerarka uu dhacayay.

Qaar kamid ah dadka geeriyooday waxaa laga soo saaray Dhismaha bur-buray iyo gaadiid Qaraxyada ay burburiyeen hoostooda.

Inkastoo tiro rasmi ah aan laga heyn Khasaaraha Dadka ku waxyeeloobay Weeraradii shalay ka dhacay Muqdisho ee loo adeegsaday Qaraxyada, waxaa sii kordhaya tiradada dadka dhintay ee la helayo.

Dhanka kale Qaramada Midoobe iyo Dowladda Qadar ayaa cambaareeyay Qaraxyadaas oo ay sheegteen Al-Shabaab.

Waxa ay u tacsiyeeyeen dadkii eheladooda ku waayay Weerarkaas, iyaga oo sheegay in Dowladda Federaalka ay ka gacan siinayaan la tacaalidda dadkii dhaawacmay

Like it? Share it!

Leave A Response