Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay Qarax ka dhacay Baydhabo

by admin | Saturday, Jul 4, 2020 | 440 views

Wararka naga soo gaaray duleedka Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in Khasaare iyo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay Qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Qaraxa ayaa ahaa Miino la galiyay goob Maqaayad ah oo ku taalla Duleedka Magaalada Baydhabo.

Afar qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxa, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan.

Goobta Qaraxu ka dhacay ayaa ah Kontoroolka laga soo galo ee Magaalada Baydhabo.

Like it? Share it!

Leave A Response