Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

by admin | Thursday, Sep 17, 2020 | 550 views

Qaraxaan oo sida la sheegay geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha oo ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kaas oo ka amababaxay Magaalada Muqdisho, warar kala duwan ayaan kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ku geeriyoday hal Ruux halka laba qof oo kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo isugu jira Askar iyo dad Shacab ah oo marayay halka uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxa kadib Ciidamada dowladda ayaa muddo joojiyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee wadada u dhaxeysa degaanka Ceelaha Biyaha iyo Magaalada Muqdisho walow markii dambe ay dib u fureen.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa dhowr jeer oo hore waxaa qaraxyo miino lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM, waxaana ka dhashay khasaaro soo gaaray Ciidamada iyo dad Shacab ah.

Like it? Share it!

Leave A Response