Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Xaduudka Soomaaliya & Kenya

by admin | Monday, Nov 30, 2020 | 468 views

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Gaadiid ay wateen  Ciidamo ka tirsan Booliska Dowladda Kenya waxaa lagula eegtay Ismaamulka Mandheera, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay inay ku dhaawacmeen Shan oo ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya, xilli ay ku socdaalayeen Ismaamulka Mandheera ee Xadka Soomaaliya & Kenya sida uu baahiyay Televeshanka GTN.

Taliyaha Booliska Gobolka Waqooyi Bari Kenya  Rono Bunei ayaa sheegay in gaadiidka Ciidamada ee qaraxa lagu weeraray ay gelbinayeen Gaadiid Basas ah oo ka Shaqeeya inta u dhaxeysa Magaalada Nairobi & Ismaamulka Mandheera.

Gaadiidka qaraxa lala beegsaday ayaa marayaya inta u dhaxeysa degaannada Jabibar iyo Rhamu, waxaana Taliyaha Booliska Gobolka Waqooyi Bari Kenya uu sheegay in Shanta Sarkaal Saddex kamid ah dhaawacooda uu culus yahay.

Ciidamo gurmad ah oo ka tirsan Booliska Kenya ayaa la geeyay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday dhaawacyada askarta,hayeeshee waxaa al sheegay inau badqabaan dadka saarnaa Gaadiidka basaska ah oo la sheegay inay Shacab yihiin.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaas, hayeeshee waxaa inta badan weeraro iyo qaraxyo ka fuliya degaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari Dagaalamayaasha Al-Shabaab oo dagaal kula jira Ciidamada Kenya.

Like it? Share it!

Leave A Response