Khayre oo kormeeray Xarunta Dhexe Ee Xukuumadda oo la dhisayo

by admin | Wednesday, Feb 19, 2020 | 493 views

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tegay dhismaha guriga xukuumadda (Ex-xaruntii xisbiga) oo lagu wado dib-u-dhis ballaaran.

Xasan Cali Khayre ayaa howl-wadeennada ka shaqeynaya dib-u-dhiska ka xog wareystay hannaanka ay u wadaan dhismaha, waxuuna kula dardaarmay in sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhammeeyaan si loogu guuleysto in xukuumaddu ku shaqo billaawdo.

 

Guriga xukuumadda ayaa noqonaya xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xarunta dhexe ee xukuumaddu ku shaqeyso.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay wehliso wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, ayaa sidoo kale kormeeray sida uu u socdo dhismaha garoonka ciyaaraha Muqdisho oo qeyb ka ah xarumaha muhiimka ah u ah horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo is-dhex galka bulshada

Like it? Share it!

Leave A Response