Kheyre oo Xilka ka qaadaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Shaqsiga lagu bedelayo oo la helay

by admin | Sunday, Aug 26, 2018 | 1128 views

Xog uu helay wargeyska MEP ayaa sheegeysa in lagaa yaabo inuu isbadal ka dhaco Wasaaradda Arrimaa Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye (Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya) wuxuu wajahayaa cadaadis ka imaanaya Dhuusamareeb.

Ilo muhiim ah ayaa u sheegay wargeyska MEP in Ra’isulwasaare Kheyre uu damacsan yahay inuu xilka ka qaado Wasiirka Arrimaha Gudaha iyadoo booskaas loo wado Cabdisamad Macalin Maxamuud oo uu dhalay hogaamiyaha Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee gobolada Dhexe.

Waxaa jira heshiis hoose oo u dhaxeeya Ahlu-Sunna iyo Villa Somalia kaas oo ah in Ahlu-Sunna la siiyo wasiirka Arrimaha Gudaha iyaguna ay Villa Somalia ka caawiyaan in xildhibaanada ay rabaan ay kusoo baxaan doorashada 2020-ka.

Sidoo kale sababaha Sabriye loo badalayo waxaa ka mid ah gaabis ka muuqda shaqada wasaaradda arrimaha gudaha, ilaa haatan waxaa socda wada-tashiyo ku aadan isbadalka la filaayo inuu ka dhaco Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Waxaa jira dadaalo lagu baajinayo arrintaan oo ay wadaan xildhibaano iyo ganacsato dooneysa in Sabriye uu sii joogo wasaaradda.

Xaaf iyo Ahlu-Sunna waxey isku afgarteen in lala shaqeysto Farmaajo iyo Kheyre oo aan laga hor imaan, waxyaabaha go’aankaas fududeeyay waxaa ka mid ah ballan qaadka Ahlu-Sunna loo sameeyay ee ah in la siin doono Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Wasiirka hadda xilka haya iyo midka loo saadaalinaayo, labaduba waxey kasoo jeedaan beesha Ceyr ee Habargidir, sidaas darteed Farmaajo kama cabsanaayo iney dood badan ka dhalato arrintaan, Sabriye wuxuu xilka hayaa muddo kooban isagoo xafiiska kala wareegay Cabdi Faarax Siciid (Juxa).

Like it? Share it!

Leave A Response