Khilaaf cusub oo ka taagan guddiga doorashooyinka Somaliland

by admin | Thursday, Oct 17, 2019 | 785 views

Khilaaf ayaa xilligaan waxaa uu ka taagan yahay guddiga doorashooyinka Somaliland, iyada oo siyaabo kala duwan ay uga kala hadleen Madaxweynaha Soomaaliland iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay jirto warqad uu qoray Xisbiga mucaaradka Soomaaliland,hayeeshee uu u sheegay kala shaandheynta Guddiiga doorashada ay xaq u leeyihiin Golaha Wakiilada Somaliland.

Dhainaca kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed faarax ayaa sheegay in cidda kaliya ee sharci ahaan awood u leh inay kala shaandhayso xubnaha gudidda doorashooyinka ee cusub ay tahay Golaha Wakiilada.

Waxaa uu sheegay in Golaha ay soo gaareen 7 xubnood oo guddiga ah,kuwaas oo ay kala keenayaan 2 Xubnood ay xaq u leeyihiin golaha guurtida, min  hal xubin Xisbiyada mucaaradka halka Madaxweynaha ay ka imaanayaan 3 Xubniid sidasina uu madaxweynaah wareegto kusoo magacaabayo.

Golaha Wakiilada ayuu sheegay in ay xaq u leeyihiin in Madaxweynaha uu u soo gudbiyo golaha Wakiilada si ay uga doodaan,kadibna cod ugu qaadaan.

Like it? Share it!

Leave A Response