Khilaaf ka taagan dhismaha Golaha deegaanka Buulo-Burde

by admin | Monday, Oct 7, 2019 | 583 views

Waxaa xilligaan jira khilaaf ka dhashay  Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Hir-Shabeelle oo wada qorsho ku saabsan sidii loo dhisi lahaa Golaha deegaanka degmada Buulo-Burde,hayeeshee qaar kamid ah waxgaradka magaaladaas ay ka horyimaadeen.

Wasiirka arimaha gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo Saxaafada kula hadlayay Magaalada jowhar ayaa  ayaa sheegay in degmada labaad ee laga dhisi doono golaha degaanka ay tahay buulo burte, iyada oo horay looga soo dhisay degmada Warsheekh,kuwaas oo doortay guddoomiye iyo kuxigeenadiisa.

Hayeeshee qaar kamid ah Odayaasha & waxgaradka degmada buulo-Burde ayaa waxaa ay marka hore shuruud uga dhigeen in Golaha deegaanka  horta laga soo dhiso Magaalooyinka jowhar iyo Baladweyne ee Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo  Hiiraan.

Wasiir Caadle ayaa dhinaciisa waxaa uu  wacad ku  maray in uu Buulo-Burte ka dhisi doono  gole degaan,waxaana taasi ay u muuqataa khilaaf xilligaan ka jira dhisamaha Golaha deegaanka degmada Buulo-Burte.

Si kastaab degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa mudo 7 Sano ah ay u go’doonsan tahay ururka Al-Shabaab,waxaana la ogeyn habka ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle ugu soo dhisi doonto gole deegaan.

Like it? Share it!

Leave A Response