Khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha Kenya & ku xigeenkiisa

by admin | Monday, Feb 3, 2020 | 897 views

Dalka Kenya waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay aad u xoogeystay xiisadda siyaasadeed iyo kala aragti duwanaashaha ka dhalatay barnaamijka dib u heshisiinta ee BBI, kaas oo ay ku midoobeen, hirgelintiisana ay lahaayeen Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha mucaaradaka, Raila Odinga laba sano kahor.

Wixii intaa ka dambeeyay waxaa muuqatay in siyaasiyiinta taabacsan madaxweyne ku xigeenka, William Ruto aysan ku qanacsaneyn qaabka loo wajahayo barnaamijka dib u heshisiinta, waxaana qaar badan oo kamid ah ay Raila Odinga iyo xisbigiisa ku dhaliileen in u kala qeybiyay xisbiga talada haya ee Jubilee.

Inkastoo madaxweyne ku xigeenka uu taageero u muujiyay barnaamijka dib u heshisiinta ee BBI, haddana waxaa muuqatay in isgaa iyo dhinacyada taabacsan aanay wax saameyn ah ku lahayn ololaha BBI, taaso keentay in Ruto uu marar badan dhaliilo qaabka wax loo wado.

Dadka qaar ayaa arrintan u arka inay tahay qorshe ka dhan ah hammigiisa siyaasadeed ee doorashada 2022.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa marar badan ku celceliyay baahida loo qabo in shacabka reer Kenya la mideeyo, lagana gudbo dagaalada ku saleysan siyaasadda ee Kenya ka qarxa mar kasta oo ay doorsho dhacdo.

Like it? Share it!

Leave A Response